Somaliland oo go’aan kasoo saartay guddigii uu Aadan Madoobe magacaabay

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo ay sheegtay inay soo geli karin deegaanada maamulkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa tallaabadaas lagu tilmaamay inay tahay “daan-daansi iyo gardaro ka dhan ah Somaliland oo baalmarsan sharciga caalamiga.”

“Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka masuula dadweynaha Somaliland, sida ku cad qodobka 39aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, golaha wakiiladu waxa uu ku fadhiyaa hab dimuquraadi ah oo ku salaysan doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayaa lagu qoraalka.

“Qoraalka uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka loogu yeedho “Golaha Shacabka Soomaaliya, oo ah ashqaas lagu xushay teendho hoosteed, waa mid aan ku fadhiyin xaqiiqo, islamarkaana baal-marsan xeerarka caalamiga ah.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe uu awood u laheyn soo-gelitaanka xuduudaha Somaliland, iskaba daa baaris ay ka sameeyaane, sida lagu yiri qoraalka.

“Guddoomiyaha Golaha Muqdisho fadhigiisu yahay waxa uu tixraacay wax uu ugu yeedhay “dastuur ku-meel-gaadh ah.” Dastuurka uu xigtay maaha mid khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland oo 32 jirsatay, mana jirto wax tixgelin iyo aqoonsi ah oo uu ka leeyahay xuduudaha Somaliland ee sida caalamiga ah loo aqoonsan-yahay.”

“Xuduuda Somaliland waxay waafaqsan yihiin mabaadii’da sugan ee xeerarka caalamiga ah oo uu kamid yahay heshiiska uu ku aasaasan yahay Midawga Afrika.”

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Warbixin kasta oo kasoo baxda Golaha Muqdisho marnaba kuma salaysnaan karto xaqiiq ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee deegaan kamid ah qaranka Somaliland oo ay ku jirto degmada Laascaanood, oo waxba kama duwana mala-awaal iyo majara-habaabin loogu talo galay beesha caalamka.”

Golaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beesha caalamka ku wargeliyay in arrimaha Laascaanood wax ka qabashadeeda iyo xalkeedu u gaar tahay Somaliland, ayda oo marnaba jiri karin cid ka baxsan oo soo fara-gelin kartaa.