Daawo: Caanood oo shaaciyey sabab yaab leh Al-Shabaab u sahasha inay weeraraan xerooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadaan xeryaha ciidamada xoogga, kuwaas oo mararka qaar askar badan lagu laayo.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ogaadeen in ciidamada xeryahooda loogu geeyo qaad/jaad, kadibna ay ku bedeshaan rasaastooda, taas oo u nugleysa weerarrada Al-Shabaab.

“Shacabka iyo madaxda waan u sheegeynaa, ciidanku badanaa lacag ma heysto, markii Qaadka loo keeno waxay dhaafsadaan rasaastooda, waxaana rubicii jaadka ah laga siiyaan 5 xabadood,” ayuu yiri Caanood.

Wuxuu intaas ku sii daray in rasaastu ay gacanta u gasho Al-Shabaab, isla markaana lagu soo weeraro markii ay ka dhamaato gacanta ciidanka oo ay gasho gacanta Al-Shabaab.

“Markii uu cidanku mudo Jaadkaas cuno oo rasaasta ay xeeladaas Al-Shabaab ugu gacan gasho, ayaa lagu soo weeraraa, mararka qaar ciidanka oo rasaas heysta, laakiin aan Sanaadiiqda la furin, rasaastiina xatooyo qaad loogu iibsaday, ayuu Shabaab soo weerarayaa oo cagta marinayaa,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Afhayeenka uu u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ka talis ahaan ay arrintaas aad ula dagaalameen, isla markaana ay ku amreen in ciidanka laga joojiyo guud ahaanba jaadka.

“Al-shabaab meel aysan joogin ayaa si fudud loogu tabci karaa, lacag ayey wataan dadkaana waa baahan yihiin, hadana qofka waxay u soo diraan qof kale oo qaraabadiisa ah, taas oo u sahasha inay qaraxyo geystaan, taasna waxaa looga hor tegi karaan ilaalinta xogta,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidanka ka ilaaliyeen qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab inuu ku biiro oo la aamino, isagoo tilmaamay in dhaqan celin kadib meelo kale looga faa’iideysto qofkii mar ka soo mid noqday Al-Shabaab.

Hoos ka daawo