Somaliland oo Hargeysa ka saareysa 113 qof oo ajnabi ah oo la ogaaday in ay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay deegaanada maamulkaasi ka saari doonaan ajaaniibtii ugu badneyd oo ka shaqeysata deegaanada maamulka Somaliland.

Dadka ajaaniibta ee la qorheynayo in laga saaro Somaliland ayaa gaaraya 113 ruux oo heysta dhalasho kala duwan, waxaana ay Somaliland kaga shaqeysanayeen xirfadda caafimaadka.

Dhamaan dadkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhacay sharciga ay ku joogaan deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa ay kamid tahay, waxaana la sheegay in dib loo eegi doono sharciyadooda.

“Dhammaan dhakhaatiirta ajaanibta ah waa laga saarayaa dalka waxana la hubinayaa shahaadooyinkooda intaanay dalka soo gelin wixii raba inay dalka ku soo laabtaan.
‘113 dhakhtar oo sharcigu ka dhacay ayaa dalka jooga maanta waana la saarayaa”ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyay Radio Hargeysa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis wanaagsan lagu sameyn doono xarumaha caafimaad ee ay ka howlgalaan dhamaan dhaqaatiirta dib looga saarayo deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in aad loo hubin doono dhamaan ajaaniibta kale ee dooneysa inay ka shaqeeyaan deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com