Somaliland oo xabsi dhigtay ajaaniib dhiseysay saldhiga milatariga ee Imaaraadka

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsi dhigay Lix nin oo shan kamid ah yihiin ajaanib u dhalatay dalka Pakistan.

Ajaaniibtan ay Somaliland xirtay ayaa lasoo warinayaa inay kamid ahayeen shaqaalaha dhisaya Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaaalada Berbera.

Ajaaniibtan ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah gaar ahaan waxaa la sheegay in ay ugaadhsanayeen Xayawaanka Deerada, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada ee ka howlgala magaalada Berbera.

Sidoo kale, shaqaalaha ajaaniibta ee la xiray ayaa fasax u qabin inay ku dhaqaaqan ugaarsi iyo wax danbi ku ah sharciga maamulka, taasina ay keentay in la xiro.

Shaqaalahan ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka ee Berber waxaa ayna gaarayaan lix qof oo mid ka mid ah uu Soomaali waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen ugaarsi sharci darro ah sidaasna loo xiray.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda maamulka ayaan ka hadal xariga Ajaaniibta, waxaana lasoo sheegayaa in weli ay ku jiraan Xabsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com