Xildhibaanno dhex degay hooyga Xasan Sheekh ee Muqdisho iyo shirar socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku sugan madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka maqnaa dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, isla markaana kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda ugu sareysa dalka ayaa sidoo kale wada kulamo ay isku arkayaan Xildhibaanada labada Gole.

Xildhibaanada uu la kulmaayo Xasan Sheekh Maxamuud aya u badan kuwa baarlamaanka Somalia gaar ahaan garabka mucaaradka iyo kuwo kale oo ay soo wada shaqeeyen mudada uu hayay xilka madaxweyninimo.

Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada ayaa isla faaqidaya Siyaasada dalka, waxaana kamid ah Xildhibaanadaasi kuwo inta badan ku caanbaxay dhaliilaha dowlada qeybna ka ah mucaaradka.

Xildhibaanada qaar ayaa lasoo sheegayaa in si KMG ah ay ula sii dageen Xasan Sheekh Maxamuud si joogto uu usii noqdo shirarka maadaama ay aad u kooban tahay xiliga joogitaanka Xasan.

Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada garabka u ah ayaa waxaa wehlinaaya Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in halkaasi lagu dajinaayo qorshaha aasaaska Xisbi weyn oo uu wato madaxweynihii hore.

Sidoo kale, Xasan Sheekh oo inta badan aan dowlada Somalia ka dhaliilin warbaahinta ayaa waxaa garab boodaaya Xildhibaano jahwareer galiyay dowlada Somalia kuwaa oo diirada ka lumiyay DFS oo iyadu hiigsaneysay Siyaasad degan.

Si kastaba ha ahaatee,Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada garabka u ah ayaa lagu wadaa inay booqdan magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com