Soomaalidii caanka ahaa ee sanadkii tagay u dhintay xanuunka Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dhamaaday sanadka 2020-ka oo uu dunida saameyn ba’an ku yeeshay xanuunka coronavirus, waxaa gudaha Soomaaliya iyo meelo kale oo adduunka ka tirsanba ku geeriyooday Soomali badan oo caan ahaa. Waxaan dib u milicsaneynaa Allaha u naxariistee qaar ka mid ah dadkaasi oo u dhintay xanuunka Covid19.

April

Nuur Cadde

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009 ayaa 1-dii April ee sanadkan 2020 wuxuu isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Nuur Cadde wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii. Waxaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dowladdii wadaagga aheyd ee uu qaybta ka ahaa isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea.

Xudeydi

Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.

Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.

Xudeydi ka sakow kabanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay, waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti.

Biriq

Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii.

Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada.

Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.

Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.

In muddo ahba, Biriq wuxuu Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah.

Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London.

Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa.

Baana Cali

Injineer Baana Cabdalla Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya, isla markaana udub dhexaad u ahaa dib u soo nooleynta kubadda koleyga Soomaaliya.

Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo suuqeynta ee xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu xubin ka ahaa xiriirka ciyaaraha basketball-ka Afrika.

Baana Cabdalla marka laga tago kubadda koleyga wuxuu xubin firfircoon ka ahaa jaaliyadda Soomaalida ee UK. Wuxuu cudurka Covid-19 ugu geeriyoodey London 28-kii April.

Baana Cali oo shahaadada Injineeriyada ka qaatay Jaamacad ku taalla London ayaa sidoo kale u shaqeyn jiray waaxda gaadiidka London, gaar ahaan qaybta tareennada.

September

Mursal

Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayuu weriyihii rugcaddaaga ahaa ee Cabdulqaadir Maxamed Mursal 31-kii September ugu geeriyooday xanuunka coronavirus, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabadhiisa.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu sanadkii 1953-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu inta badan waxbarashadiisii iyo noloshiisa ku soo qaatay.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal muddo ka badan 40 sano ayuu ku soo dhex jiray warbaahinta. Wuxuu ahaa farshaxaniiste, qoraa, ruwaayad sameeye iyo farsamayaqaan raadiyaha ah.

Wuxuu ka soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktoobar, isagoo qoraallo ku qori jiray. Waxaa kaddib loo qaatay farshaxaniiste hibo leh isagoo sawir gacmeedyo ku daabici jiray wargeyska. Sida ay sheegeen qara ka mid ah dadkii ay isla soo shaqeeyeen wuuxu ahaa qofkii ugu horreeyay ee bilaaba sawir-gacmeedyada kuna daabaca wrageys, isagoo xaaladda uu dalka ku jiro hadba ku muujin jiray.

Wuxuu soo noqday madaxii Radio Muqdisho. Waxaa lagu xusuustaa inuu raadiyaha isbeddel weyn ku sameeyay, wuxuu ku soo kordhiyay Tafsiirka Qur`aanka Kariimka, iyo Aadaanka Salaadda oo ka bixi jiray raadiyaha.

Waxaa kale ii soo saari jiray wargeyskii Dalka. Wuxuu ka soo shaqeeyay oo uu xilal ka soo qabtay Radio Iqra, Frontier FM, raadiyihii IRIN ee wakaaladda wararka bani`aadannimada u qaabilsaneyd Qaramada Midoobay iyo Raadiyaha Arrimaha Bani’aadannimada Ergo.

Sanadkii 2014-kii oo uu u wareegay dalka Maryekanka, wuxuu halkaas ka aasaasay idaacadda KALY, Codka Soomaalida Mareykanka oo uu markii ugu dambeysay madax ka ahaa.

Mursal wuxuu ka tegay labo xaas iyo 11 carruur ah, kuwaas oo haatan ku nool dalka Mareykanka.

October

Cali Khaliif Galaydh

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa 8-dii Oktoobar ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hase yeeshee, ehellada marxuumka ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah.

Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay.
Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda.

1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo.

In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin.

December

Cabdi Cali Bacalwaan

Waxaa 23-kii bishan December dalka Jarmalka uu ku geeriyooday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in fannaanku uu qabay xanuunnada neefmareenka ku dhaca isla markaana uu u biirsaday xanuunka safmarka ah ee covid-19.

Cabdi cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee Hoballada Waabari. Mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta, sanadkii hore ayaa wuxuu yiri “Qaran dumay qalfoofkii ka haray inaan ahay” ayaan dareemaa markaan soo xusuusto heerkii uu fanku gaaray”.

Bacalwaan mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu fanka soo galay sanadkii 1965, isagoo kaalinta koowaad ka galay tartan faneed lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuu ku biiray kooxdii Xoogga Dalka, isagoo markii dambe ka mid noqday Hoballada Waaberi oo safka hore kaga jirtay fankii Soomaalida.

ISHA: BBC