Xasan Sheekh iyo Mursal oo isku khilaafay waxa dhacaya kadib 8-da Febraayo

Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha waqtigiisu dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal oo ka mid ah martida ka qeyb geleysa shirka ka socda magaalada Garowe ayaa la weydiiyey marka la gaaro ‘8-da Febraayo 2021-ka maxaa dhacaya?’

Mursal ayaa ku jawaabay in aysan dhaci doonin wax ka duwan wixii dhacay sanadkii 2016-kii, xilligaas oo dowladdii Xasan Sheekh ay bilo dheeraad ah ku darsatay mudadeedii xil-heynta.

“8-da Febraayo wixii 2016-kii dhacay ayaa dhacaaya, waad la socoteen baarlamaankii xilgaas waqtigiisu waxuu ku ekaa bishii 8-aad, waxayna shaqeynayeen ilaa bishii 12-aad, madaxweyne Xasan Sheekh-na lix bilood ayuu sii joogay xukunka, waxuuna ku joogay sharci lambar 20 oo isagu uu saxiixay, marka 2016-kii sidii uu ahaa Xasan ayuu 2021-ka ahaa nayaa Farmaajo,” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aashaas ayaa sheegay in uusan ku raacsaneyn jawaabta uu bixiyey guddoomiye Maxamed Mursal, isla markaana ay wax badan kala fursado duwanyihiin labada xilli doorasho.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in bishii October ee sanadkii 2016-kii ay socotay doorashada kuraasta baarlamaanka dalka, halka maanta oo sanadkii 2020 uu dhamaaday aysan weli bilaaban doorashada baarlamaanka.

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada dalka ayaa dhawaan shaaciyey in 5-ta bisha Janaayo la soo gaba-gabeynayo diiwaan gelinta senatarrada u tartamaya golaha Aqalka Sare, isla markaana lasoo gaba-gabeynayo 14-ka bisha Janaayo, iyadoo wixii intaas ka dambeeyana la guda gelayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waa hadii uu hir-galo jadwalka guddigaas oo marar badan uu dib u dhac ku yimid.