Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Pakistan ayaa ka wada-hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Sidoo kale waxay kulankooda diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soo saarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.
Labada masuul ayaa intii uu socday kulankaan isla soo qaaday qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la-dagaallanka argagixisada.
Waxay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo xafiiska ra’iisul wasaaraha uu kasoo saaray kulankaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku dhexmaray Mudane Xamza iyo Mudane Arif Alvi.
Wafuuda labada dhinac ayaa door muhiim ka qaadan doona sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhaqan-gelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada-hadleen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Pakistan.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo ay haatan taageero caalami ah u raadinayso, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.