Waxaan marka hore salaan qaali iyo mahadnaqba u jeedinayaa Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaanshi, Kuwaasi oo dhawaan si geesinimo leh uga hadlay xaaladda uu ku sugan yahay dalkeena iyo waliba shirqoolada ku socda. Waxa ayna labada Xildhibaan sheegeen in dalka uu ku dhacay gacan gumeysi, Iyagoona tusaale u soo qaatay waxyaabaha ay samaynayaan Kay, Gabra iyo gacan-yarahooda Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Afey.
Hadaan u soo laabto qormadeena, oo aan maanta kaga hadli doono xaaladda uu ku sugan yahay dalkeenna Soomaaliya, Anigoo waliba isweydiin doonno su’aasha aan cinwaanka uga dhignay qormada ee ah Soomaaliya ma dal xor ah mise dal la haysto. Inta aan ku gudajirno qormada, waxaan iskudayi doonaa inaan soo bandhigo xaqaa’iq dhab ah oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ee uu ku sugan yahay dalkan baylahda ah.
Hadaba Anigoo ka duulayo cadeymihii ay bixiyeen labadii Xildhibaan ee aan u mahadcelinay iyo waliba dad kale oo Soomaali ah, Kuwaasi oo Iyagana codkooda ku biiriyey dooddii ay soo bandhigeen labadaasi Xildhibaan, Ayaa waxaan isweydiiyey Soomaaliya ma dal xor ah mise dal la haysto ? Markan runtii dhinacyo badan wax ka fiiriyey, Anigoo waliba eegayo waxyaabaha ka dhacayo dalka, ayaa waxaa ii soo baxday in dalka uusan xor ahayn, Anigoo sababeyn doono.
Sidan soo tilmaamayba, Soomaaliya ma’ahan dal xor ah oo madaxbanaan, Waa markan wax ku qiimaynaynode waxyaabaha dhacayo ee ay samaynayaan shisheeyaha ku sugan dalka, gaar ahaan dowladaha Itoobiya iyo Kenya. Tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa dowladahaasi oo dhisayo maamullo lokal ah, xilli ay dalka ka jirto dowlad rasmi oo leh dhamaan qeybihii looga baahnaa dowladnimo iyo dal xor ah, haddii ay ahaan lahayd qeyb fulineed iyo haddii ay ahaan lahayd qeyb sharci-dajineedba.
Tusaale kale, waxaad arkaysaa wakiillo ka socda urur goboleed sida IGAD oo kale, Kuwaasi oo dhisayo, tilmaamayo, taageerayo habka wax loo dhisayo iyo shuruudaha laga rabo cidda wax dhiseysa, xilli ay jirto wasaarad arimo gudeed iyo mid federaal. Mar kale, waxaad arkaysaa shisheeye ictiraafaayo, taageeraayo, dhaqaalo ku bixinaayo maamullo uu kala diray Baarlamaankii Qaranka hadana aan laga hadli Karin !
Mar kale, Waxaad maqlaysaa godoomiye hebel waxaa badashay, Islamarkaana soo masaafureysay dowlad hebel xilli ay dalka ka jirto dowlad rasmi ah. Mar kale, Waxaad arkaysaa ciidamo Shisheeye oo baarayo, fatashayo hadana bahdilayo wasiirro, xildhibaanno iyo waliba saraakiil ciidan sida Talyihii hore ee Booliska oo kale, Kaasi oo lagu bahdilay xarunta Xalane xilli uu halkaasi ka socday shir. Mar kale, Waxaad maqleysaa ciidamo shisheeye oo Xildhibaanno Qaran ka horistaagay booqashada magaalo hebel.
Sidee u dhihi karnaa dalkan waa xor marka ay saraakiil Itoobiyaan oo waliba juhalo ah ay kala dirayaan, magacaabayaan maamullo min heer degmo ilaa heer gobol ah ? sidee u dhihi karnaa hadaannan duyuusyo ahayn, Soomaaliya waa xor marka saraakiil Kenyaati ah ay kala dooranayaan cidda u maamuleysa Buffer Zone-ka ay doonayaan in ka sameeyaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada dhaca xuduudda ? Goormaase Ilmo Gabre Soomaali dooratay ?
Mar kale, sidee u dhihi kartnaa dalkan waa xor marka dadkiisa la jiirsiinayo gawaarida, Iyadoo aan waliba loo kala eegeynin rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, nin waalan iyo nin miir qaba ? Tan kale, haddaan nahay dal xor ah maan maxkamad soo taagno askartii kufsatay gabdhaheenii sharafta badnaa iyo waliba kuwii dilay shacabkeenii ku kala noolaa magalooyinka Marka, Buurhakaba iyo waliba deegaanka Halgan ?
Midda kale, masuuliyad baaba la sheegtaaye maxaa looga hadli la’yahay xadgudubyadan maalin walba dhacayo, Mise korsiga ayaa ka muhiimsan diinta, dalka, dadka, dhaqanka iyo waliba luuqadda ? Mise waxaa dhaboobay hadalkii uu Sayid Maxamed ka sheegay beelaha qaar, ee uu ku sunteeyey in ay u nugul yihiin gumeysiga iyo hagardaamadiisa ? Tan kale, sow ma’ahayn in la kala saari karo gumeysi iyo iscaawin, Mise aqoonbaaban jirin ?
Markaan iskudarno arimihii aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo jiraba, Waxa runtii kuu soo baxaysa in Soomaaliya ay tahay dal kala qeybsan oo hadana la haysto. Tusaale ahaan, maxay Soomaaliya kaga duwan tahay dalal kale ee burburay ee, hadana lagu shaqeynayo rabitaanka dadkooda ? Muxuse Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya uga duwan yahay kuwa kale ? Yaase siiyey awooddan dheeriga ah ee uu ku burburinayo dalka ?
Markan hadalka soo uruuriyo, Soomaaliya ma’ahan dal mid ah oo madax banaan, Waa markan ka hadleyno xaqiiqda jirta ee aanan indhaha iska tirin waxyaabaha dhacayo ee ay samaynayaa dalalka Itoobiya iyo Kenya iyo waliba ninka lagu magacaabo Nikolos Kay. Tusaale ahaan, maxaa hadda haray haddiiba shisheeyo uu badalayo muuqaalka calankeenii, Maxaase haray haddii Gabre iyo Afey ay dhisanayaan maamullo hoosyimaada dowladdahooda ?
Hadaba si loo badbaadiyo jiritaanka dalka, midnimada iyo madaxbanaanida, Islamarkaana looga hortago kooxdan qaswadayaasha ah ee ay ka midka yihiin Nikolos Kay, Gabre iyo Afey, Waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda oo aan is leeyahay waxa ay xal u yihiin badbaadada dalka. fadlan ka hortag mashruuca qaran-dumiska ah ee ay kooxdan waddo (Kay+gabre+Afey)
1- In la mideeyo xisbiyada ay ka kala tirsan yihiin Farmaajo iyo Tarsan, oo ah labada nin ee maanta ka tarjumi kara dareenka dadka Soomaaliyeed, Islamarkaana ay ka muuqato karti-hogaamineed iyo umad jacayl.
2-In marka la mideeyo labadaasi xisbi la dhiso golayaal uu leeyahay xisbigu, Kuwaasi oo ku qotoma sharci iyo qawaaniin, Islamarkaana la qoro ahdaafta uu xisbigu doonayo in uu xaqiijiyo sida dib-u-heshiisiin dhab ah oo kale.
3-In Farmaajo iyo Tarsan lagu caawiyo sidii ay hogaanka u qaban lahaayeen, Iyadoo loo marayo kacdoon dadweyne sida kii Masar oo kale..
4-In loo diyaargaroobo kacdoon dadweyne oo aan u bixiyey GUGII WADANIYIINTA SOOMAALIYEED, Lana bilaabbo kacdoonkaasi todobaadka soo socda, Iyadoo laga bilaabayo gudaha iyo dibadda.
5- In la qabto mudaaharaadyo waa weyn oo lagu dalbanayo in dalka laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye iyo wakiiladooda qaswadayaasha ah ee ay ka midka yihiin Kay, Gebra iyo gacan-yarahooda Soomaaliga ah (Afey)
W/Q: Cabdulaahi Gumeysi-diid
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]