Taliyaha Ciidanka Xoogga oo go’aan culus ka qaatay askarta QAADKA cuna

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jen. C/weli Jaamac Gorod oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa si cad ugu sheegay ciidamada in laga mamnuucay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyo taasoo ay isticmaalaan inta ugu badan ciidamada dowladda.

Taliyaha ayaa ciidamada dowladda si gaar ah uga mamnuucay qaadka xilliyada lagu guda jiro waabijaadka qaranka.

“Dhamaan Ciidamada waa ka mamnuuc Qaadka, wixii Qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira albaabka ayay ka baxayaan, Tuutaha iyo Qoriga ayaa laga reebayaa”ayuu yiri Taliye Gorod.

Taliyaha ayaa wax aan la aqbali doonin ku tilmaamay inay Askara isticmaalaan qaadka waqtiyada ay shaqada ku jiraan, isagoo arrintaas ku sheegay inay tahay Mas’uuliyad darro iyo mid ka baxsan nidaamka ciidamada dowladda.

Hadalka uu taliyaha kaga mamnuucay ciidamada inay isticmaalaan qaadka ayuu ka jeediyay tababar loo furay illaa 100 askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo gaduudda.

Inta ugu badan ciidamada dowladda ayaa isticmaalo qaadka, waana aaladda kaliya ay aaminsan yihiin inay ciidan ku ahaan karaan, waxaana la arkaa iyagoo jidadka iyo meelaha koontaroolada ah ku cunayo qaadka taasoo ah mid aan waafaqsaneyn shuruucda ciidamada iyo Anshaxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com