R/W Kheyre oo hanjabaad culus hawada u mariyey siyaasiyiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayay la soo wareegitaanka Hawada Soomaaliya oo muddo badan laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa sheegay in ay ka midtahay horomarada socda ee dowlada ay ku talaabsaneyso, la soo wareegitaan Hawada.

R/W Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay arimo badan wuxuuna RW Kheyre carabka uu ku dhuftay in dowlada Soomaaliya ay ka go`antay in ay dib ay usoo ciliso waxyaabaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ka maqan.

Xasan Cali Kheyre ayaa amaanay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar, kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaatay dadaaladaan la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waqtiagan dalka Soomaaliya uu dhinac walba ka gaaray horumar,isla markaana taasi ay sabab u tahay shaqa adag oo ay sameeyeen madaxda dalka.

Waxa uu sheegay in dalkeena guulaha uu gaarey ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha,Amniga,Siyaasada loo dhan yahay,dhinaca xiriirka Caalamiga ah iyo la-dagaalanka musuq maasuqa,isla markaana cid allaala cidii isku-dayda in dalka dib ay u celiso aan loo dul qaadan doonin.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa yiri “Guul walba oo dalkeena uu gaaro waxay ku timaadaa dadaal badan oo la sameeyey,laakin waxaa jira kuwa ay dhibeyso mar walba in kobac dhaqaale iyo in horumar la gaaro laakin waxan leeyahay wuu dhamaaday waqtigii la’idiin dulqaadan jiray”

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com