FIQI oo weerar ku qaaday DF iyo maamulada (Ethiopia ayaa laga jecel yahay S/L)

Muqdishxo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda dhexe isla markaasna aan ku qanacsaneyn siyaasadda dalka lagu maamulayo ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horeyn sheegay inuusan la yaabaneyn go’aanka ay qaateen madaxda Maamul Goboleedyada isagoo ku tilmaamay inay yihiin xoolo doono.

Balse wuxuu sheegay inuu la yaaban yahay dowladda dhexe taasoo uu ku sheegay inay ku shaqeeneyso caqli fooraro oo aan Saliim aheyn.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay inay dowladda Soomaaliya heshiis la gasho dalka Itoobiya isla markaasna ay is hor istaag ku sameyso deeqo ay dowlado shisheeye siiyaan Maamulka Somaliland taasoo uu ku sheegay inay tahay tallaabo sii fogeeneyso inay midoobaan Somalia iyo Somailand.

Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Axmed Macalin Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook:

Somaliland waa tan Dawladii dhexe iyo dawlad goboleedyadii ay halka mawqif ka wada istaageen in qorshe gaar ah beesha caalamku u samayso sidii Somaliland qeybteeda uga heli lahayd deeqaha beesha caalamku bixiso.

Dawlad goboleedyada lama yaabani, oo laftoodu waa wax doon, laakin dawladda dhexe oo maalmo ka hor dekedahii Soomaaliya ugu deeqaysay dal kale, sababta ku qabsaysa in deeqo Dalal kale ka imaanaya in loo diido walaalaha Somaliland. Mise walaalnimadii Soomaaliyeed tan Itoobiya ayaa noo bedeshay!

Arrintani waxay sii fogaynaysaa Somaliland, mana mudna in deeqo Dalal kale ay bixinayaan laga hor istaago dadkaas Soomaaliyeed, waxayna muujinaysaa mas’uuliyad darrada madaxda Villa Somalia iyo qeyb ka qaadashada sii kala fogaanshaha umadda.

Itoobiya walalaayso oo Somaliland colaadi waa caqli foorara oo ka fog garashada saliimka ah, waa in go’aankaas wax laga bedelaa, oo caqli kaas ka duwan lala yimaadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com