Tallaabo ay qaaday Turkey oo sii go’doomisay Ruushka

Ankara (Caasimada Online) – Moscow ayaa wajaheysa go’doomin sii kordheysa xilli madaxweyne Vladimir Putin uusan muujineyn wax astaan ah oo ku aadan inuu joojinayo duulaanka Ukraine, halkaasi oo dagaal culus iyo duqeymaha Ruushka ay dileen tobanaan qof, abuureenna barakac xooggan. 

Duulaanka Ruushka oo billowday toddobaadkii tegay ayaan laga helin guushii deg degga aheyd ee Putin uu filayey. 

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya go’doomin diblomaasiyadeed oo ka dhalatay inuu billaabay weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado dal Yurub ah tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida, ayada oo saameynta cunaqabateenada Reer Galbeedka ay horseedeen burbur 30% oo Isniintii ku yimid lacagta ruble ee Ruushka.

Wada-hadallo xabad-joojin oo dhacay Isniintii ayaa ku guul-darreystay in horumar laga sameeyo, waxaana wada-xaajoodayaasha aysan sheegin goorta ay dhici doonaan wareegga cusub ee wada-hadallada. 

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa xayiraado kusoo rogay Bankiga Dhexe ee Ruushka, ganacsiyada ugu waa weyn dalkaas, maalqabeenada ka taajiray ka gacansiga shidaalka, iyo saraakiil uu ku jiro Putin, waxayna qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka mamnuuceen adeegsiga nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada Caalamka. 

Turkey oo ka mid ah xulufada NATO ayaa dhabarjab kale gaarsiisay Moscow Isniintii, ayada oo uga digeysa dalalka dagaalmaya inaysan maraakiibtooda soo marin marin-biyoodyada Bosphorus iyo Dardanelles ee kala qeybiya Badda Madow iyo Badda Meditareeniyaanka, taasi oo go’doomineysa maraakiibta dagaalka Ruushka.

Canada ayaa sidoo kale sheegtay inay mamnuuceyso in shidaalka ceyriin laga soo dhoofiyo Ruushka, taasi oo Moscow ka xirtay suuqa ganacsiga shidaalka Canada. 

Senator Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in maamulka Biden ay tahay inuu beegsado qeybta ganacsiga tamarta Ruushka oo uu xayiraado saaro. Shidaalka iyo gaaska waa labada il-dhaqaale ee ugu sarreeya Moscow.

“Uma adeegsaneyno qeybta tamarta hub dagaal,” ayuu Graham u sheegay weriyayaasha. “Waan ku guuldarreysaneynaa inaan Putin ku dhufano halka ugu dhaawaca darran,” ayuu yiri Graham.

Washington waxay meesha ka saartay inay ciidamo u direyso Ukraine, si ay ula dagaalamaan Ruushka, ayada oo ka cabsi qabta in dagaal uu ka dhex qarxo labada dal ee ugu quwadda weyn caalamka. 

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka iyo xulufadeeda ayaa taa beddelkeeda waxay Kyiv u ballan qaadeen taageero militari, ayada oo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu ka digay in caasimadda ay ku jirto halis joogto ah. 

“Kyiv waa bartilmaameedka koowaad ee cadowga,” ayuu Zelensky ku yiri muuqaal uu soo duubay goor dambe oo Isniintii ah. “Uma ogolaan doonno inay jebiyaan difaaca caasimadda, waxayna noo soo direen jaajuusiin…waan soo qaban doonnaa,” ayuu yiri.

In ka badan 500,000 oo qof ayaa ka qaxay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga QM, taasi oo abuurtay xasarad qaxootinimo xilli kumanaan qof ay isku dayayaan inay galaan xuduudaha dalalka kale ee Yurub. 

Ugu yaraan 102 qof oo shacab ah ayaa la dilay tan iyo markii uu duulaanka billowday Khamiistii, hase yeeshee tirada rasmiga ah ayaa intaas aad uga badan karta, sida uu sheegay madaxda xuquuqda aadanaha QM.