Maxkamadda Rafcaanka oo maanta bilowday dhageysiga kiiska SAYID CALI Macallin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah guda gashay dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Waxaa hoolka maxkamadda ku sugan saraakiil ka socota xeer ilaalinta ee soo oogtay dacwadda, qareenada difaacaya eedeysanaha, ehellada labada dhinac iyo dadwyene kale.

Ugu horreyn waxaa fadhiga maxkamadda ka hadlay Saciid Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir oo sharraxaadd ka bixiyay dhageysiga kiiskan xasaasiga ah oo ah mid isha lagu wado hayo.

“Fadhiga maanta waxa uu ku saabsan yahay rafcaan uu soo qaatay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud, kaas oo uu kasoo qaatay xukun ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo saartay kiiska Luul Cabdicasiis oo ay ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Intaas kadib maxkamadda ayaa u yeertay eedeysane Sayid-Cali oo goobjoo ah, wuxuuna ka hadlay sababta uu usoo qaatay rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, isla markaana uusan gaysan dilka xaaskiisa.

“Sababta aan rafcaanka usoo qaatay mudane guddoomiye ayaa waxa ay tahay in anoo dhibane ah la’igu sheegay nin dilaa ah, waana layga been abuurtay” ayuu ku dooday.

Bil kahor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali, kadib markii ay caddeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.

Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.