24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Turkiga oo congresska USA ka guuleystay, maanta heli doona diyaaradaha F-35

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay sheegeen.

Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan, oo diyaaradaha loogu wareejinayo Turkiga ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda.

Sharciga ansixinta difaaca qaranka ee NDAA ayaa labadiisa qeyb ee aqalada wakiilada iyo senate-ka Mareykanka waxaa ku jira xanibaado diidaya in Turkey ay qeyb ka noqoto barnaamijka F-35.

Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa ka walaacsan xariga Ankara ay kula kacday baadari Mareykan ah iyo qorshaha ay kusoo iibsaneyso barnaamijka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400.

Si kastaba, sharciga NDAA ayaa dhaqan-geli doona kaliya marka ay ansixiyaan labada aqal ee congress-ka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60