Turkiga: Tartan kulama jirno Dowladaha kale ee Soomaaliya ka howlgala

Muqdisho (Caasimadda Online) – Turkiga wax tartan ah kulama jiro dalalka ka howlgala Soomaaliya ee doonaya iney  xasiliyan, sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkish-ka ee Anadolu u shegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Turkiga  Olgan Bekar.

“ Waligeen tartan lama gelin dalalka ka howlgala Soomaaliya, Turkiga wuxuu kasbaday jaceelka iyo kalsoonida shacabka Soomaalida tan iyo sanadii 2011-kii” ayuu  yiri Safiirka, isagoo dafiray wararka sheegaya in tartan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo wadamada qaar ee Soomaaliya u jooga taageerada Dowladda.

“ Turkiga waxaa sharaf u ah booska uu Soomaaliya ka taagan tahay ”  wuxuuna intaa ku daray in ujeedka Turkiga uu yahay sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed, si dalka uu ugu soo kabsado dagaaladii sokeeye ee ka qarxay 1991-kii.

Oglan Bekar ayaa hoosta ka xariiqay in wax walba oo dib loogu dhisayo Soomaaliya iney door weyn ka qaadan doonaan, waxaana  uu tilmaamay in wadamo kale ay jiraan oo dadaal ku bixinaya Soomaaliya si markale dib ugu soo laabato maqaamkii ay caalamka ka joogtay.

Oglan Bekar ayaa ku nuux nuuxsaday “ Ma dooneyno in la farageliyo arimaha Siyaasadda dibadda Soomaaliya, waxaan rabnaa kaliya  door wax tar leh.

Mar uu ka hadlayay saldhigga tabarada Turkiga ee duleedka Muqdisho ka dhisan waxa uu sheegay in qorshaha yahay dhisidda  ciidan gaar ah oo ka howlaga Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay kabixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaana uu yiri”  Si amni loo helo AMISOM la’aan Soomaaliya dhibaato ayaa ka dhici karta”

Ugu dambeyntii wareysiga lala yeeshay safiirka ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA oo mashaariic kala duwan ka fulisa Soomaaliya in ay gabo gabo u mareyso mashruuc lagu dhisayo Kanaal isku xera labada webi ee Shabelle iyo Jubba si qulqulka biyaha u noqdo mid nadiif ah.

Falanqeyn:

Hadalka safiirka waxa uu ku soo aadayaa  iyadoo la hadal hayo in Imaaradka Carabta uu dib ugu howlgali doono Soomaaliya kadib markii isfahan uu dhexmaray Dowladda Federalka  iyo Imaaradka, Turkigana waxa uu ka xun yahay siyaasadda Imaaradka Carabta ee dib uga bilaabaneysa Soomaaliya maadama labada Dowladood xeriirkoodu xun yahay.

Waxaana sidoo kale xusid mudan in Turkiga xiligan uu wajahayo dagaal ba’an oo  dhanka dhaqaalaha ah oo Mareykanka kaga imaanaya,  Dowladda Soomaaliyana wali ma aysan u muujin Turkiga garab istaag,  maadama DF ay la safatay dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo khilaaf kala dhaxeeyo Canada.

Waxaa iska cad in  Turkiga uu waayay garab istaag uu mudnaa in loo muujiyo, maamada uu yahay dalka kaliya ee sida dhabta ah u taageera horumarka iyo dib u dhiska Dalka.

Soomaaliya waxey dhexda kaga jirtaa siyaasado isdiidan balse aan dalka isku heysan oo sababi kara saameyn aan wanaagsaneyn, sidoo kale xiligan la joogo wey ku adagtahay Dowladda Federalka iney go’aan cad ka gaarto siyaasadeeda arimaha dibadda ee ku qotonta Xulufada Khaleejka ama reer Galbeed walow mararka qaar ay Soomaaliya  qaadato  go’aano siyaasadeed oo reeba saameyn wanaagsan iyo kuwo aan waxbo laga dheefin.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Gmail: Abdiazizh99@gmail.com