Maxaa ka jiro inuu General Caanood la gosytay ciidamo iyo afartan gawaarida dagaalka?

Shalambood  (Caasimadda Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka ay ku sii jeeday Ciidamo uu wato Abaandulihii ciidamada xoogga dalka ee xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Cali Caanood oo gaaray deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku hubeysan afartameeyo baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan gawaarida loo yaqaano Beebayaasha, waxaana inta aanay gaarin Shalambood lagula eegtay Qarax miino agagaarka deegaanka Nambar 60.

Wararka is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedka Ciidamada uu wato Jen. Caanood u gaareen Shalambood, waxaana warar hal dhinac ay sheegayaan inay duulaan ku yihiin deegaano ku dhow dhow magaalada Marka, halka warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan in Jeneraalka uu ka gadoodsan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kuna sii jeedo Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa ka gaabsaday wararka ku saabsan Jen. Caanood iyo ciidamada uu watay ee gaaray Shalambood, iyagoo xaqiijinaya inuu jiray howlgal lagu qaadi lahaa jidka Xeebta ee ka baxa deegaanka Jazeera ee aada Gandarshe illaa Jilib Marka, balse aan qorshaha ku jirin in dhanka Shalambood laga qaado howl galka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com