Ujeedka uu madaxweynaha Hirshabelle u imaaday Muqdisho oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimadda Online-) Madaxweynaha Hirshabelle Oo Muqdisho U Soo Gaaray Caawinta Dadka Ay Saameysay Fatahaada Hirshabelle

Wafdigani uu Hogaaminayaay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle DR Maxamed Cabdi Waare ayaa muqdisho uu yimid sidi gurmaad balaraan loo gaarsiin lahaa dadka uu smaeyaay Fatahaada webiga shabelle, isagoo sheegay inuu kulamo la qadaan doono madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyo guddiga Heer Qaran ee gurmadka fatahaada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cabdulle Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Kula Hadlaay Warbaahinta Ayaa Ugu Horeyn Ka Warbaxiyaay Xaladaha U Danbeyaay iyo Sameynta Dhibaatooyinka Fatahaadaha ay ku yeeshen Deeganada Hirshabelle.

Sido Kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  ayaa shegaay in dadka Deeganada Hirshabelle uu dhibaatooyin faro badan uu ku hayo Wabiga islmarkaane ka codsadaay Hayadaha Deeq Bixiyeyaasha iyo Shacabka Soomaaliyed Iney Uu Gar Garaan Dadka Dhibaateysaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  Ayaa Ka Mahad Celiyay  Doorka Dowlada Soomaaliya Ay ka Qadataay  Garab Istaaga iyo Caawinta Dadka uu Sameyaaay Fatahaada wabiga isagoona sheegay iney wadaan dadaalo looga gurmanayo deeganada sameynta weyn uu ku yeeshaay Fatahaada wabiga

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Beledweyne ayaa door Muhiim ka qaatay samatabixinta dadka ay guryahooda ka barakiciyeen daadadka Wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu la qeybsaday Madaxweynaha Dhibaatada dadka saameynta culus ay ku yeesheen fatahaada.