29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda iyo barwaaqo sooranka UK.

Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar.

Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin.

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota.

Benjamin James Fedner waxaa uu ka soo shaqeeyey meelo badan waxaa ka mid ahaa:

2016-2019: waxaa uu joogay The Foreign and Commonwealth Office (FCO) isaga oo madax ka ahaa qeybta siyaasadda amniga.

2015-2016: Tahran, Ku-xigeenka howl-galka Safaaradda

2005: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), madaxa qeybta Iran.

2014-2015: Freetown, Waxaa uu ku-xigeen u ahaa koox UK ay u dirtay ka jawaabista Ebola

2012-2014: Kabul, Qunsul

2008-2011: Paris, Xogheyaha 1aad

2007-2008: Waxaa la soo shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska

2003-2007: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Madaxa, waaxda Iran.

1999-2003: Ku-xigeen, kadibna xogheyaha 1aad(siyaasadda).

1997-1999: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), Tababarka Luqadda Shiinaha.

1996-1997: The Foreign and Commonwealth Office (FCO), waxaa uu ka tirsanaa kooxda arrimaha Falastiin. Carabta/Israel.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News