Video: Caasha Axmed Cabdalla oo fadeexad ka fidisay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan

Nairobi (Caasimada Online) – Caasha Axmed Cabdalla oo hor xildhibaan u soo ahayd, isla markaana ka mida siyaasiyiinta ugu afka dheer dalka marna isu soo sharaxday ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Somaliya oo ay sheegtay inuu yahay qaran dumiye.

Caasha oo ka hadleysay shir Beesha Daarood ku yeelatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay sida beeshaasi xildhibaano uga heli lahayd maamulka koonfur Galbeed oo ay sheegteen inay degaano ku leeyihiin ayaa Shariif Xasan ku tilmaantay inuu yahay la-taliyaha koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu wacan talo xumida heysata dhibaato weyna ku haya Qaranka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo Shariif Xasan ku tilmaantay inuu yahay Abeeso aan soo dhoweysi gelin iyadoo ugu baaqday Puntland inay mar danbe soo dhoweysan.

Khudbadda Caasho Cabdalla oo xiiso leh hoos ka daawo