Baarlamaanka GALMUDUG oo diiday wasiirada!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Guuleed ee xalay lagu dhawaaqay.

Xildhibaanada oo ka badan 30 xildhibaan ayaa sheegay iney kulan gaar ah maanta ku yeesheen magaalada Cadaado ayna ku dhawaaqeen kudlo la magac baxday kudlada badbaadinta baarlamaanka Galmudug oo ay ku mideysan yihiin dhamaan xildhibaanada gaaraya 33 mudane.

Gudoomiyaha kudladaasi Sheikh Cumar Maxamuud Mahad Alle, oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah Idaacadaga Muqdisho ayaa sheegay iney go’aan ku gaareen ineysan ansixin liska wasiirada cusub ee Galmudug.

Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Galmudug inuu reedmaray qodobo kamid ah dastuurka Galmudug oo ka hadlaya qaabka lagu soo xulayo wasiirada Galmudug.

Hoos ka dhegeyso wareysiga

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com