Video: Dilkii Shukri Cabdi oo UK ka noqday kii George Floyd oo kale (Daawo)

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa bartamaha magaalada London iyo magaalada Manchester waxaa isugu soo baxay boqolaal kun oo dhigayay dibadbax caddaalad loogu raadinayay Shukri Abdi oo 12 jir Somali aheyd, taasoo si cunsurinimo loogu dilay webiga Irwell magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Shukri Abdi iyo qoyskeeda oo qaxootinimo ku yimid 2017 dalka Ingiriiska ayaa sanadkii 2019 ku dhimatay webiga Irwell ee Manchester xili ay ku guda jirtay saacadaha waxbarashada, waxaana geerideeda loo aaneynayaa in si cunsurinimo ay ku jirto loogu riday webiga.

Shukri oo geerideeda bannaanka soo dhigtay mowjadaha ka dhashay dilkii Goerge Floyd iyo hal ku dhigii caanbaxay ee Black Lives Mater, waxayna Shukri ay noqotay Goerge Floyd-ka UK, oo dad badan oo jinsiyo kala duwan ay usoo baxeen caddaalad ay hesho Shukri iyo qoyskeeda.

Sabtidii, kumanaan dad ah ayaa socod ku soo maray bartamaha London si ay u dalbadaan caddaalad loo sameeyo Shukri, waxayna dadweynaha kor u taagayeen boorar muujinaaya sawirka Shukri iyo inay caddaalad u baahan tahay.Sii socoshada mowjadaha mudaaharaadyada ‘Black Lives Matter’ oo aan aragnay bishii la soo dhaafay ama waxii ka dambeeyay, kani wuu ka duwanaa inay ka qeybgalayeen dad da’dooda aad u hooseyso oo ka kala yimid magaalooyinka London, kuwaasoo jinsiyado kala duwan lahaa iyo dibadbaxyo kuwaan la mid ah oo ka dhacay Manchester iyo magaalooyinka ku dhow dhow.

Dibadbaxyada ayaa 1-da duhurnimo isugu tegay barxada Marble Arch, waxay banneeyeen meel ay ku oggolaadaan in koox yar oo ka mid ah saaxiibbada muslimiinta ah ay ku tukadaan, ka hor inta aysan mudaaharaadku sii socon, banaanbaxayaashu waxay cadeeyeen xiriirka ka dhexeeya Islamophobia iyo cunsuriyada madow, iyo khudbadaha ay muujinayeen mudaharaadka Soomaalida badankood waxay ku nuuxnuuxsadeen nacaybka ay u qabaan dadka bariga afrika ee ku sugan Britain.

Koox cunsuriyiin ayaa ayaa dibadbaxa Shukri caddaalada loogu dalbayay damacday inay carqaladeeyaan, hase ahaatee dibadbaxyaasha oo kumanaan kun kor u dhaafayay ayaa  ku heesayay heesta ‘Boris waa cunsuri’  iyo falcelinta Booliska Magaalada gabadhaasi yar ay ku dhimata.

Ugu danbeyntii Fagaaraha Barlamaanka gaar ahaan astaamaha Nelson Mandela ayey dibadbaxyaashu isugu tageen, halkaasi oo Soomaalidii ka hadashay halista cunsurinimo ee taagan, iyo mas’uuliyada maamulka iyo booliska ay ku leeyihiin dhibaatada soo gaartay Shukri iyo qoyskeeda waxaana ugu danbeyntii dadku dalbadeen caddaalad ay hesho Shukri iyo in midnimo wada jir ah muujiyaan dadka madow iyo kuwa caddaanka ee kulmisa bini’aadanimada.

DAAWO VIDEO-GA

W/Diyaariyay Cali Muxiyaddiin Cali
London, Caasimada News
Muxiyaddiin@hotmail.com