Villa Somalia oo war kasoo saartay maalintii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirkan ayaa waxaa maanta looga arrinsanayey wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan si rasmi ah uga bilaaban doona dalka, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in fadhiga maanta ee shirkaan ku biireen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan HirShabelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday ciidamada qalabka sida.

Shirkan oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Sidoo kale waxay madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.