Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan Waraaqaha aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyata oo Wareysi siinayey Talefishinka Universal oo ay si gaar u Wareysaneysey Wariye Xamdi Maxamed Kediye,wareysigaas oo saakey ahaa mid si aad ah looga hadal hayey Dalka , waliba dadka waxay faafinayeen in Tarsan uu wareysigaas ku sheegey Dhaliil uu u jeediyey Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyadoo Bulshada ay in badan igu riixayeen wax ka qorista Warkaas oo qaarkood waxay igu celcelinayeen n warkaas uu Muhiim yahay Qoristiisa
Waxaan damcay in aan wax ka qoro Dhaliisha Danjire ee la sheegey in Tarsan uu u jeediyey Dowlada ,sidaa darteed inta aanan Qorin baa Go’aansadey aan hubsado Warkaas , waxaan soo Xasuustey Maahmaahdii ahayd “Hubsiimo Hal dhan baa la siistaa” waxaan Dib u dhageystey Wareysigaas oo soconayey muddo Saacad ku dhawaad . Kor iyo Hoose baan u fiiriiyey Wareysigaas aad baan ugu lab laabtey , waxaan ka waayey Dhaliiliihii uu Tarsan u jeediyey Dowlada Farmaajo
Waxaa uu ahaa Wareysi kii ugu fiicnaa oo aan dhageysto ama aan daawado ,waxaa uu ahaa wareysi u badnaa soo celinta Karaamada iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed marka la fiiriyo Howsha Safaarada Soomaalida ee Kenya iyo sida Dadka Soomaaliyeed Xiriir ula yeelan lahaayeen safaaradda islamarkaana loo xalin karo Caqabadaha jira
Hase yeeshee waxaan Wareysigaas ka dhex heley Su’aal ay Xamdi Kediye Weydiisey Danjire Tarsan oo ahayd Shirkii London ee Shidaalka waxaa uu Tarsan ku jawaabey “ Shidaalkaas aanan arkeyn ee Dhulka ku jira oo aan la soo bixi Karin, oo Ilmaheenna Bakeeri Biyaa u dhimanayaan, maxay noo tarI Badrool baan haysanaa iyadoo Dhinac waliba aan ka liidano marka waxaan DadKa Soomaaliyeed leeyahay ka digtoonaada Siyaasi Danleey ah oo aan dooneyn Horumarkiina , Anigana waxaan leeyahay warbaahinta iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay mar waliba ay Hubsadaan wararka ay Faafinayaan ee Been Abuurka ah, sidaa Darteed Waaya aragnimadeyda Saxafadeed baa Iga joojisey Warkii Tarsan .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk