Wada-hadallo guul-dareystay oo xalay dhex maray Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xalay wada hadallo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, arrinta Somaliland, hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland, waxaana soo ifbaxay in madaxda maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee baarlamanka oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku beegan inay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.