Warar hordhac ah oo kasoo baxaaya Qarax loo adeegsaday Gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taal degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la sheegay in la dhigay, afaafka hore ee maqaayadda oo ku dhow Bacadlihii hore ee Xamar Weyne.

Maqaayada la qarxiyay oo lagu macaaabayay Isa-Saar ayaa waxaa xiliga Qaraxa ku sugnaa dad farabadan oo halkaa wax ka cunaayay, halka qaarna ay fadhiyeen banaanka hore ee Maqaaxida.

Maqaayadda Isa-Saar ayaa caan ka ah degmada Xamar weyne iyo nawaaxigeeda waxaana halkaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa u badan kuwo ku qayilaayay goob aan ka fogeyn Maqaaxida iyo kuwo Bajaajlayaal ahaa oo afafka Maqaaxida ku sugnaa.

Warar hordhac oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in dhimshada ay ku dhow dahay ilaa Todobo ruux, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafaya Toban.

Gaadiidka Gurmadka ayaa sidoo kale daabulaaya meydadka iyo dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxa waxaana sidoo kale gurmad fidinaaya dad shacab ah.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo xiray maqaayada iyo nawaaxigeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com