Akhriso: XIldhibaanadii tagay Cadaado oo soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah

Cadaado (Caasimadda ONline) – Xildhibaanadii shalay gaaray Cadaado ee sheegay inay badbaddinayaan maamulka Galmudug ayaa soo saaray war murtiyeed ku saabsan natiijadii kasoo baxday shirkaas.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay inay isku dayeen inay xaliyaan arrinta Galmudug markii ay ku guuleysan rabaan faragelin laga soo sameeyey Madaxtooyada Villa Somalia

Waxay sheegeen inay Madaxtooyada Soomaaliya laga soo abaabulay shirqool lagu doonayo in lagu dumiyo Galmudug midaasna aysan aheyn dowladnimo iyo wax u dhow.

Waxay sidoo kale sheegeen inay Madaxtooyada Soomaaliya Magaalada Cadaado usoo dirtay Musharax lagu doonayo in lagu qalqal geliyo xasiloonida Maamulkaas.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war muriyeedka oo dhameystiran