Wararka been-abuurka ah ee ku gadaaman shirka shidaalka Soomaaliya

Waxaa maalin kaddib lagu wadaa in magaalada London ee Britain uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum.

Balse waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London.

Maxaa ka mid ah been abuurka ku gadaaman shirka London?

Tan iyo intii uu shirkan London qabashadiisa soo ifbaxay ayaa waxaa jiray warar la isla dhexmarayay.

Wararkaas waxaa ka mid ah warqado la soo dhigayay baraha bulshada kuwaasi oo qaarkood ay been abuur ahaayeen.

Waxaa ka mid ah warqad baraha bulshada si weyn loogu baahiyay taasi oo sheegaysay in wasiirka Betroolka iyo Macdanta iyo ku xigeenkiisa ay iscasileen.

Warqadan ayaa waxaa tan iyo shalay ay dhex socotay baraha bulshada waxaana soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga.

Balse warqadan waxay ahayd mid been abuur ah sida ay markii dambe dowladda xaqiijisay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Maxamuud Cabadi qaadir Hilaal ayaa BBC u sheegay in warqadaas ay tahay mid been abuur ah.

Mr Maxamuud ayaa sheegay in wasiirka betroolka iyo isagaba laga been abuurtay oo aysan xilka iska casilin.

Waxa uu intaa ku daray in wasiirka Betroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed uu iminka joogo London si uu shirkaasi uga qaybgalo.

Ma xaraash baa shidaalka Soomaaliya?

Shirkan lagu wado in khamiista uu ka dhaco London islamarkana looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo ku saabsan waxyaabaha dhab ahaantii uu ku saabsan yahay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shirka London ku tilmaameen mid lagu”xaraashayo” kheyraadka Soomaaliya.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna sheegtay in shirka London uu yahay mid lagu soo bandhigayo macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay.

Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.

“Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya.

Dhanka kale shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaarada Betroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km .

Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Somaaliya.

Xigasho: BBC SOMALI