Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif oo lagu jah-wareersan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka siyaasadeed, waxa uu aaminsan yahay iyo waxa uu u taagan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, ayaan weli caddeyn laguna wareersan yahay.

Xisbigan oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xisbiyada leh miisaanka siyaasadeeed, ayaa waxaa maqalkiisa u dambeysay maalintii Muqdisho lagu diiwaan-geliyey ee uu uu noqday xisbi rasmi ah, oo ahayd 17-kii December.

Marka xisbi siyaasadeed uu abuurmo inuu aaminsan yahay aragti siyaasadeed oo ka duwan tan dalka lagu hoggaaminayo, sidaas darteedna uu doonayo inuu talada dalka la wareego. Hase yeeshee xisbiga Himilo Qaran weli ma muujin sabab dadka ugu beddelan karaan kooxda talada dalka haysa ee Nabad iyo Nolol iyo xisbiyada kale.

Tan iyo markii xisbigan uu abuurmay, waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo waa weyn, sida cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom, halal amni darro, iyo arrintan hadda taagan ee shirka shidaalka Soomaaliya ee London lagu qabanayo 7-da Febraayo.

Dhammaan xisbiya dalka ka jira ee waa weyn sida UPD, Ileys, Wadajir iyo wixii soo raaca, waxay soo wada saareen qoraallo ay ku caddeynayaan mowqifyadooda siyaasadeed, ayaga oo diiday sida ay dowladda wax u maareeneyso. Hase yeeshee, Himilo Qaran weli wax fal-celin ah lagama hayo.

Qasab ma ahan in xisbiga Himilo Qaran uu dowladda mucaarado, hase yeeshee waxaa muhiim ah inuu shacabka u caddeeyo mowqifkiisa ah inuu raacsan yahay siyaasadda dowladda ama inuu diidan yahay.

Dad badan ayaa is-weydiinaya waxa ugu wacan aamusnaanta Himilo Qaran. Dadka qaar ayaa qaba inay tahay farsamo xumo iyo ayada oo xisbigan weli uusan aas-aas dhismo oo wanaagsan lahayn, ee uu magaca kaliya ka jiro, islamrkaana aanu qaabasneyn hoggaanka xisbiga wixii kasoo hara hogaamiyahooda Shariif Sheekh Axmed.

Dad kale ayaa ayagana aaminsan in Shariif oo ay aad isugu dhowaayeen Farmaajo, markii uu madaxweynaha u ahaa, uu cayaarayo siyaasad ku dhisan qunyar socodnimo, isaga oo iska ilaalinaya inuu si toos ah dowladda u dhaliilo.

Wax kasta, oo ay ahaataba waa muhiim in shacabku ogaadaan waxa uu aaminsan yahay una taagan yahay xisbiga Himilo Qaran, iyo in aamusnaanta macnaheedu yahay taageero, haddii aysan sidaas dhicinna, ma jirto sabab ay u doortaan ama uga door bidaan xisbiyada kale ee dalka ka jira, oo uu ku jiro midka hoggaanka haya ee Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com