Wararkii u dambeeyey askar Soomaali iyo Libyan ah oo ku dagaalamay Turkiga

Ankar (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa ’25’ askari oo isugu jira Soomaali iyo Liibiyaan ayaa ku dhintay dagaal gacan hadal ah oo labada dhinac ku dhexmary xero lagu tababarayey oo ku taalla Turkiga, sida ay warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askarkaasi ay ku wada jireen hal xero oo ku taalla magaalada Isparta oo dhacda galbeedka Turkiga, waxaana ay isku adeegsadeen intii uu dagaalku socday Mindiyo iyo waxyaabo kale, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada Liibiya uu midkood Toorey ku dhaawacay askari Soomaaliyeed, taas oo keentay inay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee Soomaalida ee tababarka kula jiray, waxaana sidaas ku billowday dagaalka labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalkasi, iyadoona askarta qaarkood la dhigay goobaha caafimaadka si looga daweeyo.

Weli war rasmi ah kama soo bixin dowladda Turkiga oo ku aadan shaqaaqadaasi dhex martay ciidamada ay u tababareyso dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo iyana ka soo yeeray dhinaca dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ee la xiiriira isku dhacdadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa tababaro siiya ciidamada dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo ku jira xeryaha milatariga ee gudaha dalkaasi.