Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa isbedel laga dareemayaa iyadoo saaka xaalad dhaqdhaqaaq ciidan laga soo sheegaya deegaanada ciidamada Galmudug iyo Puntland isku horfadhiyeen.
Cabsi weyn ayaa laga qabaa iney dagaalo kale ka dhacaan magaalada, maadaama ciidamo labada maamul soo dhigeen deegaanadii maalmahaan lagu dagaalamayay.
Wararka aan ka heleyno deegaanadii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in saanad ciidan iyo shidaal uu kala gaaray labada maamul, taasi oo dhalisay cabsiga cusub ee ka taagan galbeedka iyo bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Cabsida ayaa sidoo kale waxay ka taagan tahay xaafadaha magaalada Gaalkacyo oo ay kala joogaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.
Gaadiid dagaal oo cusub ayaa lagu arkayaa magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo dadka magaalada ku haray ay ku sheegayaan iney dhex wareegayaan xaafadaha magaalada.
Magaalada ayaa waxaa saaka laga maqlayaa dhawaqa rasaas goosgoos ah oo labada dhinac isweydaarsanayaan.
La soco waxii kusoo kordhaa saacad walba Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

