Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socdo xaafadaha ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen  saldhigga Booliiska Guriceel iyo xarunta maamulka magaaladaasi.

“Saldhiggii police ka degmada, Guriceel,kontorool ka matabaan,degmada ,kontorol ka ceel jiiroow,agga cel abshir dhamman waxaa gacanta ku haya ciidamada qaranka” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Guriceel Cismaan Cali Hudey.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Shacabka ayaa intooda badan isaga barakacay Guriceel, waxaana magaalada ku haray dad yar oo u badan dhalinyaro, isla-markaana looga tegay inay ilaaliyaan guryaha iyo hantida.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug iyo dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi.

Guriceel ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay, kadib markii Ahlu Sunna ay dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.