R/W Rooble oo xil cusub u magacaabay Bashiir Goobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib markii uu fashilmay isku daygii loogu magacaabay taliyaha NISA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa waxay qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gaareyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii mudada u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey Bashiir Goobe ugu magacaabay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hey’adda NISA, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna xilkaas u magacaabay Yaasiin Farey.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa muddo socda, waxaana ugu dambeyn loolanka ku adkaaday Farmaajo ayada oo taliyaha NISA uu sii hayo Yaasiin Farey illaa laga soo magacaabayo taliye kale, oo aan la ogeyn xilliga ay dhaceyso.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inay cadaadisay dowladda Qatar kadib socdaalkii uu ke tagy dalkaas, taasi oo horseeday inuu ugu dambeyn la heshiiyo Farmaajo, oo uu ogolaado inuu ka tanaasulo xilkii uu u magacaabay Bashiri Goobe.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.