Wareysi: Sheekh Mukhtaar Roobow oo arrimo xasaasi ah shaaca ka qaaday (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo wareysi siiyey Idaacadda VOA isagoo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay nolosha uu ku jiro iyo haddii ay jiraan wax iska badalay mowqifkiisa.

Roobow oo isaga lasoo xiriiray VOA ayaa sababta ku sheegay inuu ku jiro xaalad adag islamarkaana uu go’aansaday inuu dadka la wadaago xaaladiisa inta uusan dhiman.

Mukhtaar Roobow oo horey usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa walwal weyn ka muujiyey badqadka noloshiisa, wuxuuna ciidamada ilaaliyo guriga lagu xiray uu ku sheegay inuu yihiin maleeshiyo beeleed.

“Amnigayga mar xaalado kala duwan ayuu soo maray, balse waxaa mar walba gacanta ku hayey ciidamada Waran. Hadda kuma dhihi karo ammaankeyga iyo nolosheyda way sugan yihiin,” ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey.

Mar wax laga waydiiyey sida ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ilaaliyo guriga lagu xiray u noqdeen ciidamo beeleed ayuu sheegay in ciidamada ilaaliya laga soo kala xulay seddex magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug, wuxuuna xusay inay mar isku dagaaleen gudaha gurigiisa markii dambana laga soo badalay.

Roobow ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ahaa ee Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida, wuxuuna xusay in uu nabad wax ku raadinayo haddii aan la qasbin.

“Aniga nabad baan wax ku raadiyey waana ku raadin doonaa haddii aan la i qasbin, aniga waxaan ahay qof ogol in la tartamo wixii Ilaahey ku siiyay la kala helo,” ayuu yiri Rooble.

Mar wax laga waydiiyey haddii uu mowqifkiisa isbadalay oo uu iska dhaafay xilkii uu raadinayey ayuu sheegay inuusan isbadalin welina uu ku taagan yahay mowqifkiisa waligiisna uusan niyad jabi doonin.

Mukhtaar Roobow waxa uu tan iyo bishii December 2018-kii ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya, isagoo mar lagu hayey xarunta hay’adda nabadsugidda ee NISA, sannadihii u dambeeyeyna ku jiray xabsi guri.

Ka hor inta aan la xirin wuxuu isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur, isagoo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta, waxaana xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kasoo xiray ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Soo qabashadii Roobow ayaa waxaa ka dhashay banaanbax weyn oo gilgilay Magaalada Baydhabo, waxayna ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xasuuqeen dad Shacab ah oo gaaraya illaa 15 qof halka dhaawaca uu intaas ka badnaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga