Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dagaalka Maanta ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galdaduud ee u dhaxeeyo ciidamada maamulkaas iyo kuwa Ahlu Sunna.

“Maanta waa maalin u adag dadka Galmudug, gaar ahaan dadka Guriceel, waa maalin ku adag ciidamada dagaalamayo, runtii waan ka tacsiyeynayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalkii micndarada ahaa ee lagu qaaday Guriceel,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa xusay in mas’uuliyadda dagaalka iyo dhibaatada ka dhalata ay qaadayaan kuwa uu sheegay inay ciidamo kasoo daabuleen Muqdisho, islamarkaana mooday in dagaalku xal yahay.

“Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka laga soo duubayo Magaalada waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley! Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale,” ayuu yiri.

Axme Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan dad kasoo jeedo deegaanada maamulka Galmudug oo uu caqligoodu fooraro islamarkaana ay dhibeyso in lagu baaqo nabad.

“Waxaan arkeynay sawirada guryo iyo shacab ah oo lala dhacay hoobiyaal, labada dhinac ee dagaalamayo waa dad ehel ah oo qaraabo ah, maalintii aan waxaan ka digayey waa la ila yaabayey, waxaa jiro dad kasoo jeedo Galmudug oo qalbigooda uu foorarsamay oo dhibsanayo in nabad lagu baaqo,” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in ciidamada lagu weeraray magaalada Guriceel loo baahnaa in la geeyo geegaanada ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ay u diideen in la gaarsiiyo raashin.

“Dadka joogo Guriceel cadow maahan, waa la yaqaan cadowga iyo meesha uu joogo waa Al-Shabaab, waa la ogyahay inta ay u jiraan magaalada Guriceel, ciddii dhibsaneyso ha dhibsato, mar kale ayaan leeyahay xabadda hala joojiyo, ciidamada lagu daabulay Guriceel waxaa looga baahan yahay Waajid iyo gobolada kale oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Fiqi ayaa Taliyaha Ciidamada xoogga Odawaa ku eedeeyey inuu mas’uul ka yahay ciidamada weerarka ku qaaday Guriceel, wuxuuna xusay inuu u shaqeenayo dad cawaan ah sida uu hadalka u dhigay.

“Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odawaa runtii uma qalmo xil, wixii shalay ka sameeyey Muqdisho ayuu Maantana ka wadaa Guriceel, wuxuu qaadanayaa talada iyo amarka Villa Soomaaliya iyo cawaanteeda.”

Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa imaanayo xilli Maanta ciidamada Dowladda ay weerar kusoo qaadeen Magaalada Guriceel oo ay 3 Asbuuc ka hor la wareegeen ciidamada Ahlu Sunna, waxaana weli Magaalada ka socdo dagaal u dhaxeeyo labada dhinac.