Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda PSF ee Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn ayaa maanta laga dareemayaa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee maamulkaasi ee taabacsan agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyey ee Maxamuud Cismaan Diyaano.

Wararka ayaa sheegaya in jawiga magaalada uu yare dagan yahay, waxaana haatan dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa oo kaliya agagaarka madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Sidoo kale waxaa jira dadweyne isaga barakacay xaafadaha ka agdhow xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland Security Forces, kadib cabsi dagaal oo soo wajahday.

Waxaa sidoo kale billowday dadaallo ay wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaaban labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta is-haya, balse ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo kasoo baxay wada-hadallada oo lagu ballamay inay sii socdaan.

Xiisaddan ayaa kasii dartay, kadib markii madaxweyne Saciid Deni uu ku gacan seeray go’aankii ay soo saareen isimada Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa xal ka gaarida xaaladda ka taagan Boosaaso oo kala dhalatay xilka qaadista bishii lasoo dhaafay lagu sameeyey agaasimaha taliska PSF-ta Puntland General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Si kastaba, ma cadda sida ay wax noqon doonaan, halka ay ku dhammaan doonto xiisaddan, waxaana labada garab ee is haya ay weli dhaq-dhaqaaq ka wadaan magaalada dekadda leh ee Boosaaso, isla-markaana xarun ganacsi u ah Puntland, Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii