Imaaraadka oo go’aan yaab leh uga guuray dhaqankii Islaamka ee maalinta Jimcaha

Abu Dubai (Caasimada Online) – Waaxyaha dawladda faderaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay wax ka badalaan toddobaadka shaqada laga billaabo 1-da Bisha Janaayo ee sanadka 2022, iyadoo inta badan dalka la filayo in ay ku daydaan.

Shaqaalaha dawladda ee heer wasiir ayaa qaadan doona afar maalmood iyo Maalin haafkeed oo shaqo ah todobaadkii, waxayna shaqeyn doonaan Isniinta ilaa Khamiista, halka maalinta Jimcaha ah la shaqeyn doono maalin barkii.

Sidoo kale, maalmaha Sabtida iyo Axadda ayaa shaqaalaha dowladda u noqon doono maalmaha fasaxa cusub taasoo ka dhigan in Dowladda Imaaraadka ay gebi ahaanba ka guurtay dhaqankii ay isticmaali jireen dowladaha Islaamka ah oo ah in Maalinta Jimcaha ah oo ah maalin barakeysan la nasto, islamarkaana laga faa’ideysto fursadaha cibaado ee ay wadato.

Xukuumadaha Dubai iyo Abu Dhabi waxay sheegeen in shaqaalahooda ay qaadan doonaan saacado isku mid ah iyadoo la filayo in dhawaan lasoo saaro saacadaha cusub ee shaqada.

Wargeyska The National ayaa sheegay in sidoo kale jadwalkaan cusub ay ku dhaqmi doonaan dhammaan iskuullada ku yaalla dalkaas marka laga soo laabto fasaxa ay ardayda ugu maqan yihiin imtixaanka koowaad ee sanad dugsiyeedkaa.

“Go’aankaan wuxuu si wanaagsan isugu xiri doonaa Imaaraadka Carabta iyo Suuqyada Caalamiga ah, taasoo ka tarjumaysa heerka istaraatiijiyadeed ee uu gaaray dalkaan muhiimka u ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna sidoo kale kor u qaadi doonaa wax soo saarka, wuxuu hagaajin doonaa dheelitirka shaqada iyo nolosha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Imaaraadka Carabta .

Illaa hadda go’aanka dowladda kuma caddo in go’aankan uu yahay mid saameenaya dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay, balse shirkaduhu uma baahna ogolaanshaha dawladda si ay u dejiyaan usbuuca shaqada.

Wasiirka khayraadka ee Imaaraadka Carabta Abdulrahman Al Awar oo la waydiiyey haddii uu go’aankaan saameenayo ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegay inaan shirkadahaas loo sheegi doonin sida ay u maamulanayaan shaqadooda.

“Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay waa kuwo caqli badan, waxayna ku shaaqeeyaan suuq tartan badan leh… waxay go’aankooda ku gaari doonaan waxa ay u arkaan inay u roon tahay ganacsigooda,” ayuu yiri isagoo la hadlayey The National.

Nidaamka cusub waxa uu ka dhigan yahay in shaqaalaha Dowladda dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ay shaqayn doonaan 7:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo laga bilaabo Isniin iyo Khamiis taasoo ka dhigan in saacadaha shaqada ee hadda lagu shaqeeyo lagu kordhin doono 90 Daqiiqo.

Sidoo kale, Maalinta Jimcaha ah ayey shaqaalaha shaqeyn doonaan laga bilaabo 7:30 subaxnimo illaa duhurkii, waxaana jirta suurta-galnimada in shaqaalaha lagu khasbo inay waqtiga dhiman kasoo shaqeeyaan guryaha sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Maalmaha shaqada ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa u dambeysay in isbadal lagu sameeyo sanadkii 2006 markaas oo laga soo guuray maalmaha fasaxa ahaan jiray ee Khamiista iyo Jimcaha, islamarkaana loosoo guuray in fasaxa asbuuca uu noqdo Jimco iyo Sabti, waxayna midaas keentay in Imaaraadka ay la jaanqaadaan suuqyada caalamka xilli dhaqaaluhu si xawli ah u korayay.

Intii u dhaxaysay 1971 iyo 1999 dalka Imaaraadka Carabta waxaa laga shaqeyn jiray lix maalmood Todobaadkii iyadoo dowladda xilligaas u aqoonsaneyd Maalinta Jimcaha ah inay tahay maalin fasax ah.

Sanadkii 1999 ayey dowladda ku dhawaaqday in Maalinta Khamiista ah laga dhigay maalin fasax ah sida Maalinta Jimca ah oo kale.