Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo A/Madoobe oo maanta magacaabaya liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.