Xog: Sidee FARMAAJO uga faa’iideysanayaa xiisadda beelaha HARTI-ABGAAL?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka faa’ideysanaya tabashooyinka ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone ee Harti-Abgaal, ayaa sameeyay isku dayo uu kuraasta uga weecinayo beelaha Agoonyar Gaabe iyo Owbokar Gaabane.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale u arko mucaarad weyn, islamarkaana uu qarash badan ku bixinayo in mid ka mid ah kuraastooda sanadkaan loo weeciyo beelaha tabashooyinka qaba ee Cabdalla iyo Nugaale oo ay isku yihiin Suul Harti kana dhaxeeyo kuraasta ay ku fadhiyaan labadaan Xildhibaan. 

Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo iyo cabashada beelahaan oo Muqdisho ku qabtay shirar badan ayaa abuuray xiisad ka taagan Jowhar iyo cabsi soo foodsaartay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay u adeegsatay shaqsiyaad kasoo jeeda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone, oo ay isku dhow yihiin, inay kiciyaan beelahaas.

Sidoo kale, warbaahin aad ugu xiran Villa Somalia ayaa loo adeegsaday inay huriso xiisadda ka dhex-oogan beelahan, ayada oo si aad ah u weerartay Shariif Sheeekh Axmed iyo Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay beelaha ay ku eedeeyeen inay weeciyeen kuraastooda.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, sidoo kalane ah murashaxiin beelahaas ka soo jeeda, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulay abaabulka Madaxweyne Farmaajo ayaa safar deg deg ah ugu baxay Cadale, kaas oo ilaa hadda ay ku joogaan magaalo xeebeedka Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa xoogooda isugu geeyay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka beelahaan inkastoo uu jiro culeysyo badan oo wali heesta. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in kalamada ka socda Cadale laga dareemayo farogelinta Villa Somalia. 

Safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa Cadale ku qaadanaya waqti iyo kulamo muhiim ah, kuwaasoo rajooyin badan ay ka qabaan dadka degaanka iyo guud ahaan maamulka HirShabeelle.