Wararkii ugu dambeyeey go’aanka maamullada iyo halka uu marayo khilaafka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawr asbuuc kala maqan oo xiriirka isku jaray Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe kadib go’aan xasaasi ahaa oo kasoo baxay shir muddo 4 Maalin ah ka socday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbalanad.

Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la joojiyo wadashaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Dhexe kadib markii lagu eedeeyey inay faragelin ku heyso arrimaha Doorashooyinka iyo inay Dowladda Dhexe fulin weysay heshiisyo horey loo galay.

Go’aankaas kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Maamul Goboleedyada isugu yeeray kulan la rabay inuu dhaco Asbuucii hore balse nasiib xummo waxaa shirkaas qaadacay madaxda Maamul Goboleedyada oo miiska soo saaray shuruudo adag oo aysan Dowladda Dhexe diyaar u aheyn inay hadda fuliso.

Markaas kadib dowladda Soomaaliya ayaa bilawday olole ay ku kala fureyso Madaxda Maamulada oo isbaheysi sameystay waxayna ku guuleysatay inay lasoo wareegto Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynaha Hirshabelle kaasoo si cad u sheegay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe isla markaasna uu ballanta uga baxay Saaxiibadiisa.

Go’aankaas kadib waxaa waraaq soo saaray Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada kuwaas oo si cad u sheegay inuusan go’aanka Waare waxba ka badali karin mowqifka Maamulada isla markaasna uu Waare u madax banaan yahay go’aan ka gaarista Hirshabelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa wixii markaas ka dambeeyey dadaal dheer ku bixineyso sidii ay usoo gacan gelin laheyd Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf kaasoo loo arko inuu yahay ninka xiga ee lagala soo wareegi karo Maamul Goboleedyada.

Sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan Madaxweyne Xaaf ayaa ilaa hadda ka biyo diidan wadahadalka Dowladda maadaama uu culeys weyn kala kulmayo Saaxiibadiisa Gaas, Shariif iyo Axmed Madoobe oo u sheegay inay yihiin kuwii ku gacan siiyey inuu ku guuleysto dagaalkii hore ee siyaasadeed oo ay kusoo qaaday Dowladdii Dhexe.

Villa Somalia ayaa laga soo diray waraaq uu Farmaajo casuumaad ugu sameeyey Madaxda Galmudug ee is khilaafsan waxaana muuqdo in casuumaadaan ay qeyb weyn ka tahay sidii Xaaf loosoo gacan gelin lahaa.

Madaxweyne Xaaf ayaana waraaqdaas uga soo jawaabay si adag isagoo sheegay inaysan xalka Galmudug ku jirin shir lagu qabto Muqdisho balse ay u baahan tahay in faragelinta laga dhaafo.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan isku dayin inay wadahadal la furtmo Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland kuwaas oo loo arko in badalkooda ka heli doonto marka ay dhacdo Doorashooyinka is xig xiga ee Maamuladaas ka dhici doono.

Madaxweynayaasha Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa Dowladda ka sugayo go’aan iyo damaanad qaad ah inay Dowladda Dhexe garab ku siin doonto Doorashooyinka soo socdo iyo sidii ay iyaga ugu soo bixi lahaayeen, balse qorshaha dowladda ayaa ah mid kaas ka duwan waxayna seddexdaan u aragtaa inay yihiin Caqabadda ay dowladda ka shaqeyn la’dahay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com