WASIIR ka tirsan Puntland oo is-casilay, kadibna XOG culus bixiyey (Puntland sida la moodo ma aha iminka)

Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirkii Deegaanka iyo is bedelada Cimilada dowlad goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo warqad istiqaalad ah u gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, wuxuuna shaaca ka qaaday xaaladda hoose ee maamulka Puntland ee dad badan aysan ka war-hayn.

Is casilaada Wasiirka ayaa timid kaddib khilaaf in howlihii Wasaaraddiisa ay Madaxtooyada Puntland u weecisay hey’ad gaar ah.

Cali Cabdulahi Warsame ayaa ku sheegey qoraalkiisa in maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas lasoo gudboonaadeen Jahawareer siyasadeed, dhaqaale, amni daro iyo in haykalkii difaaca degaanada hoos yimaado uu  bur burey.

Wasiir Cabdulahi ayaa sheegey in wajibaadkii iyo shaqadii Wasarada degaanka lagu wareejiyey hay’ad Madaxweynaha si gaar ah u naas-nuujisa.

Go’aanka is-casilaada Wasiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafey hay’ada Tamarta iyo biyaha “PSAWEN” golaha wasiirada Puntland ku wareejiyeen in la hoos keeno  barnaamijka biyo xireenada taasoo dhalisay muran iyo jahawareer ku yimaado mashruuc Dowlada Jarmalka ka hirgalineysay degaano laga dayactirayey wadadda isku xirta Tuuladda Jalam iyo Xarfo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in burbur baaxad leh uu saameeyay hey’adihii dastuuriga ahaa, isagoo hey’ado gaar ah la hoos geeyay Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana musuq maasuq baahsan uu hareeyay.

“Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka ” Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”ayuu yiri Cali C/llaahi Warsame oo iska casilay xilka Wasiirka Deegaanka.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha kasoo baxya

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com