Warbixinta QM oo kashiftay wasiir qabyaaladeeyey gargaarkii bani’aadanimo

Kismaayo (Caasimada Online) – Warbixinta kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), inuu qabyaaladeeyey gargaarkii bani’aadannimo ee la geeyey gobolka Gedo.

Warbixinta ayaa sheegtay in Cabdirashiid oo kasoo jeeda beesha Mareexaan uu inta badan gacanta ku dhigay gargaarkii la geeyey degamada Doolow ee gobolka Gedo.

Waxa ay sheegtay inuu gargaarkii weeciyey, islamarkaana u raray Beled Xaawo iyo Luuq oo reerkiisa ay degan yihiin.

Kooxda UN Monitoring ayaa sheegtay in Janan uu gargaarkii u diiday dadka aan kasoo jeedin beelsha Mareexaan ee degan bariga webiga, sida beesha Fiqi Maxamed/Surre/Dir iyo Gabaweyne/Jareer.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka Fiqi Maxamed ay gargaar ka heleen dadka ku qabiilka ah ee qurbaha jira, hase yeeshee dhibaatada ugu xooggan ee ficillada Cabdirashiid Janan ay saameysay dadka kasoo jeeda Gabaweyne/Jareer oo inta badan aan qurbaha laga soo caawin.

Dadka Gabaweyne/Jareer ayaa sidoo kale lagu kacaa dhul iyo hanti boob lagu hayey tan iyo sanadihii sagaashamadkii, mana jirto cid u garmata, sida warbixinta ay shaacisay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com