Wargeys caan oo qoray sir badan oo ku saabsan shirqool ay DF Somalia u diyaarisay Somaliland!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean ayaa daabacay warbixin dheer oo uu kaga hadlaayay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Indian Ocean oo xiganaayay xubno ka kala tirsan Xukuumada Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa uu qoray in Khilaafka labada mas’uul uu yahay mid aan mugdi ku jirin, islamarkaana ay ishu ku hayaan deeq bixiyayaasha caalamka.

Waxa uu qoray in Hogaamiyaha Somaliland uu xiligaani xooga saarayo inuu carqaladeeyo Hanaanka Siyaasadeed ee lagu doonaayo in lagu xasiliyo Khilaafyada ka dhextaagan DF iyo Maamulka Somalilannd ee halista ugu jira in shacabka labada dhinac ay isku uguursadaan.

Waxa uu qoray in farqi saa’id ah uu u dhexeeyo labada Hogaamiye waxa uuna Wargeysku farta ku goday in Axmed Siilaanyo uu doonaayo inuu ka hor imaado wax waliba oo ku xeen-daaban Siyaasada Somalia, si uu beesha caalamka uga dhaadhiciyo in ciladu ay tahay mid ka taagan dhanka DF Somalia.

Axmed Siilaanyo ayuu sheegay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu meel waliba kasoo xirxiray Maamulka, taasina ay Somaliland ku abuurtay feejignaan Siyaasadeed.

Indian Ocean waxa ay sidoo kale daabacday in Madaxweyne Xassan uu carqaladeynta Maamulka Somaliland u adeegsanaayo Maamulka Khatumo State oo uu sheegay in Xassan Sheekh uu dib u abaabulaayo si ay carqalad uga dhex abuuraan Somaliland.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Aqoonsiga Khatumo ula jeeda mid uu kaga hor imaanaayo Mamaulka Somaliland islamarkaana lagu kala furfuraayo si Somaliland ay ugu soo koobmato Degmooyin yar yar.

Wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Somalia Cabdisalaan Hadliye uu bishii hore ee May afarteedii kulan qarsoodi ah la yeeshay Siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada Awdal, Sanaag iyo Sool. waxa kale oo uu wargeysku sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen uu isna Somaliland ku eedeeyay inay dhibaato ku hayso kooxda Khaatumo. Talaabooyinkan ay dawladda Somalia qaaday wuxuu wargeysku ku macneeyay inay uga dan leedahay inay meel isugu keento Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Maamul Goboleedka Somaliland.

Waxa kale oo uu Wargeysku sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu siyaasadahan ku waajahan Somaliland uga dan leeyahay sidii uu tallo iyo saamayn ugu yeelan lahaa heshiisyada shidaal iyo dekedda Berbera ee ay Somaliland kula jirto dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Geesta kale, Dagaal Siyaasadeedkaani ayaa u muuqanaayo mid DF Somalia ay ku carqaladeyneyso Damaca Siyaasadeed ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com