Xildhibaan Boos: Weerarkii la igu dhaawacay ee lagu dilay Dirir waxaa abaabulay Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdalla Boos Axmed ayaa shalay baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in weerarkii lagu dhaawacay dhawaan islamarkaana lagu dilay Xildhibaan Yuusuf Dirir laga soo abaabulay aadaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya midna uusan wax ka qaban dilkii bareerka ahaa ee Xildhibaan Dirir lagu qaarajiyay asna lagu dhaawacay.

“Waxaa weerarkaasi laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya, waxaan rabaa guddoomiye in wax laga yiraado weerarka la igu dhaawacay laguna dilay xildhibaan Dirir aniga oo ku hadlaya magaca xildhibaanada Soomaaliyeed iyo magaca beesha Direed oo aan kasoo jeedo” ayuu Xildhibaan Cabdalla Boos baarlamaanka ka hor sheegay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo u Jawaabay Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa sheegay in baaritaankii uu wali socdo islamarkaana la soo bandhigi doono waxii Natiijo ah oo ka soo baxa.

Halkan ka dhageyso Jawaari

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com