Xog: Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka SOMALIA oo isku dhiibay maamulka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo ku dhow dhow Siyaasiga Caanka ah Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Siyaasiga uu iska dhiibay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Ismaaciil Buubaa oo horey dowladdii KMG ahayd uga soo noqday wasiirka arrimaha dibedda iyo ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa waxaa garoonka Hargeysa si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland oo u galbiyay dhanka Madaxtooyada Maamulka.

Ismaaciil hurre Buubaa, ayaa la sheegayaa inuu dib ula laabtay fakirkiisa ku aadanaa Soomaaliweyn, waxaana lagu soo waramayaa in dhawaan uu Hargeysa ka dhex shaacin doono inuu ka tanaasulay mooqifkiisa Soomaaliweyn.

Buubaa, ayaa horay usoo noqday Wasiirkii arrimaha dibadda Dowladii KMG ahayd, waxaana xusid mudan inuu ahaa shaqsi aad u jeclaa in leysu keeno umadda Soomaaliyeed oo ku kala fogaatay Siyaasada isnaceybka wadata ee ka dhalatay dhicitaanka dowladii dhexe ee Somalia.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in Buubaa uu ku fashilmay Siyaasada Somalia kadib markii in muddo aheyd uu ku taamaayay inuu mar kale noqdo wasiirka arrimaha dibadda, waana tan keentay inuu isu dhiibo Maamulka Somaliland muddo 24-sano kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com