Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo gaaray Kismaayo + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxmed Cabdulle kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Ujeedka socdaalka Wasiir Axmed Macallin Fiqi ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu yahay shirka isku dubbaridka xasilinta qaran.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Socdaalka Wasiir Fiqi ayaa imanaya xilli ay maamulkaas ka taagan tahay xiisadda gobolka Gedo, islamarkaana ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Toddobaadkan hore ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.

Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.