Wasiir Jamaal“waxaan dhawaan bilaabanaya Wajiga Koowaad Mashaariicda Qatar ee Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Maalmaha soo socda la bilaabayo fulinta wajiga Koowaad ee Mashriicda Hormarineed ee Dowlada Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in mashaariicdan Dowladda Qatar Maalmaha soo socdo ay bilaabeyso lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo kaga mahad celiyay Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka iyo dowlada.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo shalay la hadlay Warbaahinta Qatar ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska qaar ka mid ah Xarumaha dowlada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowlada.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Magaalada Muqdisho waxay ku kala saxiixdeen 28- bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Hesiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com