Sawirro: DFS oo soo bandhigtay Xarunta iyo qalabka laga hagi doono Hawada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabad lagu furaayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Somalia.

Maamulka Xarunta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ku guuleysatay dib usoo celinta maamulka Hawada Somalia, oo noqon doonta mid ay xor u noqon doonto Somalia.

Cabdi raxmaan Kulmiye Xersi ‘’Cabdiraxmaan Dheere’’, oo ah Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada, ayaa sheegay in la dhameystirada dhammaan qalabka Hawada Somalia iyo xarunta laga maamuli lahaa.

Cabdiraxmaan Dheere, ayaa sheegay in DFS ay ka dhabeyneyso dadaalka ay ku maamulaneyso Hawada Somalia, waxa uuna farta ku goday in xarunta ay si rasmi ah u shaqo gali doonto.

Waxa uu tilmaamay in talaabadan ay hirgashay markii ugu horeysay wixii ka danbeeyay tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hada gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.