Maxkamadda racfaanka oo CC Shakuur u qabatay 7 maalin inuu ku yimaado iyo laamaha amaanka oo la faray inay…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur u qabatay inuu muddo 7 Maalin ah ku imaado Maxkamadda horteeda si loo dhageysto dacwadda loo heysto.

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo kala diray

  1. Cabdiraxmaan Cabdishakuur
  2. Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir
  3. Taliyaha Saldhigga Boliiska Degmada Wadajir

Sidoo kale waxaa waraaqdaan la ogeysiiyey oo wax ka og Hoggaanka Baarista Dembiyada Boliiska (CID).

Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku amartay inuu maxkamadda hor yimaado 03/01/2018.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com