Wasiirka cusub ee amniga oo ogolaaday arrin muddo laga hortaagnaa qoyska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Onine) – Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qaaday tallaabo weyn oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay hooyada Ikraan, Qaali Maxamuud Guhaad.

Wasiirka Amniga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qoyska Ikraan Tahliil ay wasaaradda Amniga ka dalbadeyn inay magaalada Muqdisho ka dhigtaan banaanbax nabadeed oo ay caddaalad ugu raadinayaan Ikraan, kaasi oo dhowr mar laga hor-istaagay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda oo cuksaneyso dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah.

“Qoyska oo ay ugu horeyso maamada waxay iga dalbadeyn codsi ku aadan banaanbax nabadeed oo ay ku dalbanayaan xuquuqdii aan u raadinayey walaasheen Ikraan Tahliil Faarax, waxaan rabaa inaan qoyska iyo bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo in wasaaradda amniga ay siineyso fasax ku aadan banaanbaxaas,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

“Dastuurka dalka qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu aragtidiisa usoo bandhigo si xor ah, haddii ay ahaan laheyd isku imaatin, dibadbax nabadeed iyo haddii uu si shakhsi ah warbaahinta ula hadlayo,” ayuu sii raaciyey.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dadka kasoo qeybgalayo banaanbaxaas inaysan ku xad gudbin xuquuqda dadka kale iyo dalkaba oo aysan dhibaato u geysan laamiyada iyo ganacsiyada isla markaasna uu banaanbaxooda noqdo mid nabadeed.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hey’adaha Amniga faray inay sugaan amniga muwaadiniintaas, sida sharciga ah usoo dalbaday inay dhigaan banaanbax nabadeed.

“Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaalmeenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirtay mana aqbaleyno,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdullaahi ayaa qoyska Ikraan Tahliil u ballan qaaday inaan lagu dulmin doonin hey’adaha amniga ee hoos yimaado wasaaradiisa.

Qoyska Ikraan ayaa waxaa dhowr mar dibad-baxyo ay ku dhigan lahaayeen Muqdisho ka hor-istaagay ciidamada ammaanka, intii uu dalka wasiirka amniga ka ahaa Xasan Xundubey, oo xilkaas uu markii dambe ka qaaday ra’iisul wasaare Rooble.